Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo maanta loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay habsami u socodka doorashada iyo kaalinta ay ka qaateen xildhibaannada, guddoonka iyo musharraxiintii ka qeyb-galay tartanka, isagoo u rajeeyay hoggaanka cusub inuu ku guuleysto waajibaadka horyaalla.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Aadan Madoobe laga sugayo inuu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, horumarinta dowladnimada, xoojinta nabadda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur. Waxaan u rajeynayaa inuu ka shaqeeyo mideynta bulshada, nabadda, horumarka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka ka qeyb-galay geeddi-socodka doorashada, isaga oo xusay in ka qaybgalka bulshada uu muujinayo kalsoonida ay ku qabaan nidaamka dowladnimo iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Doorashada ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo Aadan Madoobe uu helay 88 cod, halka musharraxii la tartamay, Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), uu helay hal cod.
Natiijada doorashada ayaa timid kadib muran siyaasadeed iyo cabashooyin ay hore u muujiyeen qaar kamid ah musharraxiinta mucaaradka, kuwaas oo dhaliilay qaabka loo maamulay geeddi-socodka doorashada.
Guusha Aadan Madoobe ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu wajahayo dood siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed uu dhawaan soo bandhigo qorshihiisa shaqo iyo mudnaanta uu siin doono arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta maamulka.
















