Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo Turkiga u gudbiyay dalab ku saabsan amniga iyo ciidamada

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira xaaladda amniga iyo howl-gallada ciidamada, xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 10, 2026, 3:34 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo Turkiga u gudbiyay dalab ku saabsan amniga iyo ciidamada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira xaaladda amniga iyo howl-gallada ciidamada, xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kulamadii hordhaca ahaa ee ay la yeesheen wafdiga Turkiga ay kusoo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan ajendaha wada-hadallada la qorsheynayo. Wuxuu xusay in dhinacyadu ay isla meel dhigeen qodobbada muhiimka ah ee lagu geli doono wada-hadalka siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in mucaaradku Turkiga kala hadleen arrimaha amniga, iyagoo codsaday in la joojiyo howl-gallada lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo guryahooda. Sida uu sheegay, tallaabadaas ayaa muhiim u ah abuurista jawi lagu bilaabi karo wada-hadal siyaasadeed oo miro dhal ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay degganaansho siyaasadeed iyo mid amni si loo helo kalsooni u dhexeysa dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

Dadaallada dhex-dhexaadinta ee Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhowaan ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gooni-gooni ah la yeeshay dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo la filayo in wada-hadallo rasmi ah ay dhawaan billowdaan si xal looga gaaro muranka siyaasadeed ee taagan.

Mucaaradka ayaa muujiyay rajo ah in dadaallada socda ay horseedi doonaan jawi wada-hadal iyo is-afgarad, halka dowladda federaalka aanay weli si rasmi ah uga hadlin dalabka cusub ee loo gudbiyay dowladda Turkiga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.