• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Cumar Cartan oo shaaciyay hamigiisa mustaqbalka kadib diidmada Mareykanka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Cumar Cartan oo shaaciyay hamigiisa mustaqbalka kadib diidmada Mareykanka
Share

Wararka24: Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay inuusan ka quusan himiladiisa garsoornimo, islamarkaana uu qorsheynayo inuu ka qeyb galo tartamada waaweyn ee caalamiga ah mustaqbalka, kadib markii looga diiday gelitaanka Mareykanka.

Cartan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin dowladeed, bahda isboortiga iyo boqolaal taageerayaal ah.

Garsooraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan difaaca magaca iyo sumcadda Soomaaliya, isla markaana ay labanlaabaan dadaalka lagu horumarinayo dalka iyo matalaaddiisa caalamiga ah.

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle idmo aan ka qeyb geli doono tartamada xiga, shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxi doonaan. Waa inaan dhammaanteen difaacnaa magaca Soomaaliya,” ayuu yiri Cumar Cartan.

Cartan ayaa lagu waday inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Koobka Adduunka, balse waxaa laga hor istaagay inuu galo Mareykanka kadib baaritaanno socdaal oo dheer oo lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Miami.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba ah, iyadoo taageero xooggan loo muujiyay garsooraha Soomaaliyeed oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan ragga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta si gaar ah u qaabilay Cartan, iyagoo ku ammaanay dadaalkiisa iyo guulaha uu ka gaaray garsoorka kubadda cagta ee heerka caalami.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad weyn oo lagu maamuusayo Cartan, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax, ciyaartooy iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inkasta oo uu waayay fursaddii uu kaga qeyb geli lahaa tartanka sanadkan, Cumar Cartan ayaa muujiyay kalsooni iyo niyad adag, isaga oo sheegay inuu sii wadi doono dadaalkiisa xirfadeed si uu mustaqbalka uga mid noqdo garsoorayaasha ugu sarreeya caalamka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.