Wararka24: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgal ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen horjoogeyaal kala duwan. Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka abaabula weerarro iyo falal lid ku ah amniga shacabka.
NISA ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda, iyadoo lagu burburiyay qorshayaal ay diyaarinayeen.
Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay toddobo qof oo ay ku jireen laba horjooge oo la sheegay inay ku lug lahaayeen maaliyadda kooxda.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, iyadoo xustay in la sii wadi doono howlgallada lagu baacsanayo haraadiga kooxda ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada dalka.



















