Wararka24: Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegtay degmadaasi.

Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin.
Al Shabaab oo la wareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa imanaya…
Xilli ay maleeshiyadu weerar culus ku ekeeyeen deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, iyo Alkowsar ee gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla markaana ay ka dileen 130 nin.
Al Shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna sidoo kale sheegtay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.
Weeraradan ayaa loo fasirtay kuwo ay Shabaabku ku carqaladeynayaan hawlgalka ka soconaya deegaanada Hirshabelle, ee la doonayo in lagu xoreynayo dhulka maqan.
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg



















