Wararka24: Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegtay degmadaasi.

Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin.
Al Shabaab oo la wareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa imanaya…
Xilli ay maleeshiyadu weerar culus ku ekeeyeen deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, iyo Alkowsar ee gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla markaana ay ka dileen 130 nin.
Al Shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna sidoo kale sheegtay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.
Weeraradan ayaa loo fasirtay kuwo ay Shabaabku ku carqaladeynayaan hawlgalka ka soconaya deegaanada Hirshabelle, ee la doonayo in lagu xoreynayo dhulka maqan.
- 148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
- dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
- LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
- LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?
- LIVE: War Deg Deh Ah: Puntland oo taageerey Heshiiska ay lagaleen Somaliland?
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share