Wararka24: 10-02-2026 Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa bogaadiyay tallaabadii ay Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen dastuurka dalka iyo saxiixa uu ku dhaqan geliyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in ansixinta dastuurka cusub ay tahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya uga gudubtay marxaladdii dastuurka ku-meel-gaarka ahaa ee dalka muddo dheer ku shaqeynayay.

“Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya loogana gudbay magaca dastuur ku meel gaar ah, waxay Soomaaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxda dowladda iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo ku amaanay dadaalkii ay ku bixiyeen dhameystirka dastuurka dalka.
“Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowladda iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameystiran oo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu raaciyay.


















