Wararka24: Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Riyadh, iyadoona ajandaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo uu yahay dagaalka Ukraine.

Dhinaca Ruushka ayaa waxaa shirka uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov, iyo Yuri Ushakov, oo ah La taliyaha Siyaasadda ee Madaxweyne Vladimir Putin. Dhinaca Mareykankana waxaa uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, La taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz, iyo Ergayga Madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.
Shirka Mareykanka iyo Ruushka oo uga furmay dalka Sacuudiga ayaa loogu gogol-xaaraya in nabad ay ka dhacdo dalka Ukraine,


Ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirkan ayaa noqonaya wada hadalkii ugu horreyay ee toos ah ee ay yeeshaan Moscow iyo Washington, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay duulaanka ku qaadeen Ukraine.
Shirka ayaa imanaya maalmo yar uun ka dib, markii Madaxweyne Donald Trump uu khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Ruushka, isla markaana ay isku waafaqeen in la bilaabo dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.
Trump ayaa dabada ka riixayay wada hadalada laba geesoodka ee Riyadh, oo looga hadlayo masiirka dal aan wax door ah ku lahayn miiska wada hadalka. Shirka ayaa sidoo kale ay labada dal doonayaan in ay ku hagaajiyaan xiriirkii iyo cilaaqaadkii labada dowladood.
Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Aqalka Kremlin-ka ayaa labaduba bogaadiyay shirka Riyadh.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin
















