Wararka24: 20-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxayna ka digtay qorshe ay sheegtay in Tel Aviv damacsan tahay oo la xiriira in shacabka Falastiiniyiinta si qasab ah loogu raro dalal kale, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale), ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi Golaha Ammaanka ah, isagoo ku tilmaamay tallaabooyinka Israa’iil xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa ka digay in arrintan ay Geeska Afrika gelin karto xaalad kacsanaan iyo qalalaase, isla markaana ay si toos ah u saameyn karto amniga iyo xasilloonida gobolka, maadaama ay colaadaha Bariga Dhexe sii dhex milmi karaan gobolka.
Abuukar Baale ayaa sheegay in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu soo rogo xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub qaaradda Afrika uu jebinayo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu halis ku yahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka madaxbannaanida dalalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale si cad u diidday hindise kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta si khasab ah looga barakiciyo deegaannadooda ama loogu raro dalal kale, iyadoo Safiirka Soomaaliya uu tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo xeerarka bani’aadannimo.
Safiirka ayaa xusay in xaaladda bani’aadannimo ee Marinka Gaza ay weli tahay mid aad u liidata, inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay dardargeliso gaarsiinta gargaarka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada xuquuqda shacabka Falastiin ee ah in ay helaan dowlad madax-bannaan, isla markaana ay ka hortagayso tallaabo kasta oo ay u aragto faragelin shisheeye oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah iyo xuduudaha caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya.


















