• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Wararka24: 20-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Qaranka xubnaha iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaddib markii ay ka soo jawaabeen gogosha wadatashi ee ay fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid si rasmi ah u furmay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha ka jira qaybo kamid ah dalka, iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Golaha Mustaqbalka ku bogaadiyay ka soo jawaabista gogosha wadatashiga, isagoo xusay in wadahadal iyo is-afgarad lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka horyaalla, si looga fogaado khilaaf hor leh.

Dhinaca kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa muujiyay diyaar garow ku aaddan ka qeybgalka wadahadallada, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo hannaan wadatashi oo furan, laguna xalliyo arrimaha khilaafka dhaliyay, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha siyaasadeed, looguna gogol xaaro wada-hadal rasmi ah oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee dalka, xilli ay Soomaaliya wajaheyso duruufo amni iyo bani’aadannimo oo is biirsaday.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.