• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hirshabelle
Share

Hirshabelle
Kumaandooska Danab saldhig duleedka Kismaayo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ka soo qaaday magaalada Kismaayo, si ay u xoojiyaan furimaha dagaalka ee ka furan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan ayaa Axaddii laga qaaday Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo, iyagoo u socda furimaha hore ee Hirshabelle, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu abaabulay xerada ay ku leeyihiin agagaarka garoonka Kismaayo ka hor inta aysan ka ambabixin. Kumaandooska Danab, oo uu Mareykanka tababaro, ayaa saldhig muhiim ah ku leh duleedka Kismaayo, halkaas oo laga hoggaamiyo howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa la fahamsan yahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Militariga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka siiya weerarrada cirka ee lagu beegsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Danab waa ciidan dhulka ah oo si gaar ah loogu carbiyay la dagaalanka Al-Shabaab, waana mid ka mid ah ciidamada ugu diyaarsan ee Soomaaliya ay leedahay ee ka jawaaba xaaladaha degdegga ah.

Dhanka kale, Muqdisho ayaa noqotay xudunta abaabulka ciidanka cusub ee loo dirayo aagagga dagaalka, si loo dardar geliyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Hirshabelle.

Hirshabelle

Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in kooxda laga ciribtiro guud ahaan gobolka, iyagoo xusay in ciidamo aad u tiro badan la daabulayo si aan loo hakrin howlgalka dib-u-xoreynta dalka. sida aankasoo xiganay wararka Universal

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo Axaddii kula hadlay ciidamada jiidda hore, ayaa ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigtaan dhulka Hirshabelle.

“Dagaalka aan kula jirno waa mid xaq u dirir ah, waxaana ku difaacnaynaa nafteena, maalkayaga iyo sharafkayaga,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle, isagoo caddeeyay in dagaalku uu sii socon doono illaa laga xoreeyo gobolka.

Alshabaab ayaa shali laga burburiyey buundo ay dhawaan ka dhiseen hirshabeele taas muhiim u ahayd guud ahaan isku socod kooda iyo dhaqdaqaada militiry ee ay kawadaan dalka…


Share
Tags: Kismaayomaamulka Hirshabellewararka mantawararka somalia
Previous Post

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan Afur ah la Qaatay Culimada Soomaaliyeed + SAWIRO

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan Afur ah la Qaatay Culimada Soomaaliyeed + SAWIRO

Al-Shabaab

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

Degdeg

DEGDEG: Shabaab oo afar jiho kasoo weeray AFGOOYE?

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.