• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, October 13, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 weeks ago
Reading Time: 2 mins read
dekadaha Muqdisho
Share

Muqdisho, Sept 28, 2025 (Wararka24) – Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sannadkii 2024, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray halbeegga CPPI (Container Port Performance Index).

Warbixinta CPPI, oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah, ayaa lagu qiimeeyay 407 dekadood oo caalami ah, oo ay ku jiraan 47 dekadood oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Nidaamka qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakibtu ku qaadato inay yimaadan dekedda iyo waqtiga uu kaga dhamaado dekada, taas oo si toos ah u muujinaysa heerka waxqabadka iyo hufnaanta dekedaha.

Sida lagu sheegay warbixinta ay Wasaarada soo saartay, dekadda Muqdisho ayaa ka gashay kaalinta koowaad ee Bariga Afrika iyo kaalinta 163-aad ee dekadaha adduunka oo dhan, halka dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo kaalinta 243-aad ee caalamka. Tani waxay ka dhigan tahay in labada dekadood ay ka waxqabad wanaagsan yihiin dekedo ka fac weyn oo gobolka ku yaalla, isla markaana ay ka mid noqdeen dekedaha la tartami kara kuwa caalamka.

dekadaha Muqdisho

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in guushan ay ka dhalatay dadaallo ballaaran oo lagu hagaajinayo tayada adeegyada, maamulka nidaamyada shaqada iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay in maalgashiga lagu sameeyay dekadda Muqdisho uu suurageliyay ballaarinta iyo casriyeynta adeegyada, iyadoo xarumo cusub oo terminal ah la hirgeliyay. Tallaabooyinkaas ayaa dekadda Muqdisho ka dhigay mid si buuxda uga qeyb qaadata tartanka dekedaha waaweyn ee qaaradda Afrika, sida Dekedda Saciid (Masar), Tangar (Marooko), Dakar (Senegal) iyo Toamasina (Madagascar).

“Dekedaha Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in haddii la sameeyo maamul hufan iyo adeeg tayo leh ay awood u leeyihiin inay tartan la galaan dekedaha caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale bogaadisay maamulka dekedaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada iyo xoojinta kaabeyaasha ganacsiga. Waxaa lagu tilmaamay in dekeduhu yihiin laf-dhabarta horumarka, isla markaana ay gacan ka geystaan kobcinta dhaqaalaha iyo fursadaha ganacsi ee dalka.


Share
Tags: Berbera somalilanddekadaha Muqdishowararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

Next Post

DAAWO: Koko oo kamid ah yuutubarada ugu caansan Soomaalida ayaa la ilmeeysay dhacdo ku qabsatay Muqdisho..

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Koko

DAAWO: Koko oo kamid ah yuutubarada ugu caansan Soomaalida ayaa la ilmeeysay dhacdo ku qabsatay Muqdisho..

Faysal Cali Waraabe

Daawo: Faysal Cali Waraabe, Xasan Sheekh waxaa inagaga xun Ismaaciil Cumar Geelle" 

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

Recommended

Puntland

Puntland oo xustay maalinta duumada aduunka

6 months ago
Soomaaliya

Soomaaliya Oo Eedaymo Culus U Jeedisay Sacuudi Carabiya! Maxa dhacay?

4 months ago
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre: Kursigaygu ma matalo Puntland iyo Jubbaland?

4 weeks ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

4 months ago
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

MD Xasan Sheekh Qof naga maqan oo lasugayo malahan, Anigana Waa I Kanaa!

7 months ago
Gobalka shabellaha Dhexe

WAR DEGDEG AH: Xaduudadaha Gobalka shabellaha Dhexe Ayaa gabi ahaanba manta Xiran + SAWIRO

7 months ago
Shariif sheekh

Shariif Sheekh Axmed oo si kulul u canbaareyey MD xasan Sheekh

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.