Wararka24: 12-02-2026 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka oo saacado badan socday ayaa qarxay kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd gudaha degmada, taas oo keentay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo xusay in khasaare lagu gaarsiiyay kooxda, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada ama dhaawaca.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Xawaadley, si ay dib ugu soo laabato gacanta dowladda Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada dowladda lagu arkayay dhaq-dhaqaaqyo milateri oo ka socda deegaannada u dhow degmada Balcad, iyadoo halkaasi lagu daabulayay ciidamo dheeraad ah oo ka qayb qaadanaya howlgalka.
Degmada Xawaadley ayaa horey u martigelisay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana lagu tilmaamaa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah labada dhinac.


















