• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..
Share

Washington – Wararka24: Dacwadda u dhaxaysa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salmaan (MBS), iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka boqortooyada, Saad Aljabri, ayaa gashay wajigii cusub, kaddib markii Aljabri uu codsi rasmi ah u gudbiyay maxkamad federaali ah oo ku taalla gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Saad Aljabri, oo muddo dheer u ahaa gacan-yare dhow ee dhaxal-sugihii hore Mohammed Bin Nayef, ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag gaaraysa $5 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah xilli uu ahaa mas’uul amni sare ah.

Iyada ooy Shirkadda dawladdu leedahay ee Sakab ayaa dacwad ka dhan ah ku furtay isaga balse Aljabri ayaa ku dooday in eedeymahaasi yihiin kuwo siyaasadeysan, isla markaana uu lacagtaas u adeegsaday hawlgallo sirdoon oo qarsoodi ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kiiskan ayaa si dhow ugu xiran loollankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Bin Salmaan iyo Bin Nayef, kaas oo lumiyay xilkii dhaxal-sugaha boqortooyada intii lagu jiray afgambigii siyaasadeed ee 2017.

Aljabri ayaa isla sanadkaa ka cararay Sacuudi Carabiya, isagoo sheegay in noloshiisa khatar gashay kaddib markii la xiray laba carruurtiis ah si loogu qasbo inuu ku soo laabto dalka.

Qareennada Aljabri ayaa dacwadda ku tilmaamay qayb ka mid ah olole cadaadis siyaasadeed oo uu hoggaaminayo Bin Salmaan, iyagoo arrinta ku barbar dhigay dilkii 2018 ee weriye Jamal Khashoggi, oo warbixinta sirdoon oo Maraykanka lagu sheegay inuu MBS oggolaaday dilka. Dowladda Sacuudiga ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Dowladda Maraykanka ayaa hore ugu faragelisay dacwado la mid ah, iyadoo adeegsatay awoodda “mudnaanta siraha dowladda” si looga hortago in la shaaciyo xog amni oo xasaasi ah.

Talaabadaas ayaa horay u joojisay kiisaskii hore ee Aljabri, balse kiiskan cusub ayaa dib u iftiimiyay murankii u dhaxeeya labada dhinac.

Khabiirada sharciga ayaa tilmaamay in aanay u badnayn in maxkamad Maraykan ah aqbasho codsiga Aljabri ee ah in saraakiil hore oo Maraykan ah lagu qasbo inay difaacaan dacwadiisa, maadaama xogta la dalbanayo loo arko mid amni qaran ah oo aad u xasaasi ah.

Kiiskan ayaa loo arkaa mid muujinaya awoodda siyaasadeed ee Bin Salmaan iyo sida uu u adeegsado hay’adaha dawladdu si uu u difaaco danaha boqortooyada,

Halka dadka dhaliila nidaamkan ay ku tilmaamayaan tusaale cad oo muujinaya sida cadaadis iyo cabburin loogu adeegsado awoodda siyaasadeed.


Share
Tags: wararka caalamkawararka manta
Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay in shaqaalaha lagu qasbay inay ku biiraan ururro siyaasadeed

Next Post

Maxa Ka Soobaxay Kulanki Arimaha Dastuurka oo ay wada yeshen DF iyo Mamul Gobaledyada..

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
arimaha dastuurka

Maxa Ka Soobaxay Kulanki Arimaha Dastuurka oo ay wada yeshen DF iyo Mamul Gobaledyada..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.