• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, waxaana la faray inay si degdeg ah u bilaabaan howlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka.

Ujeedada guddigan ayaa ah abaabulka doorashada golaha wakiillada iyo midda madaxweynaha Koonfur Galbeed, arrimahaas oo haatan muran ka taagan yahay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sare u kacday, isla markaana ay jiraan isku dhacyo iyo eedeymo is dhaafsi ah.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in Lafta-gareen aanu lahayn sharciyad buuxda, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo joogteynta maamulka heer gobol iyo degmo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in laga hortago firaaq maamul iyo in la ilaaliyo adeegyada bulshada inta xal laga gaarayo xaaladda.

Xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac ayaa weli taagan, iyadoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo muujinaya in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.