• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Samia Suluhu oo 98% ku guuleysatay doorashada Madaxtinimada Tanzania..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Samia Suluhu oo 98% ku guuleysatay doorashada Madaxtinimada Tanzania..
Share

Dar es Salaam – Sabti, 1-da November 2025 – Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas, kadib markii ay heshay ku dhowaad 98% codadka, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka qaranka ee Tanzania (INEC).

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, ayaa ku dhawaaqay in Samia Suluhu ay si rasmi ah ugu guuleysatay kursiga madaxtinimada, iyadoo matalaysa xisbiga talada haya ee CCM. Wuxuu sheegay in Suluhu ay heshay 31,913,866 cod, halka tirada guud ee dadka codkooda dhiibtay ay ahayd 32,678,844 qof.

Natiijooyinkan ayaa siinaya Madaxweyne Samia Suluhu awood buuxda oo ay dalka ku hoggaamiso muddo shan sano ah.

Samia Suluhu, oo xilka qabatay sanadkii 2021 kaddib geeridii Madaxweynihii hore John Pombe Magufuli, ayaa doorashadan ku xaqiijisay hoggaankeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxwayne ka noqota Tanzania.

Dhanka kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aysan weli xaqiijin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay mudaaharaadyadii dhacay kadib doorashada, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit Kombo, uu sheegay in dowladdu weli ururinayso xogta la xiriirta khasaaraha iyo burburka hantida guud.

“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto tirada saxda ah ee dadka dhintay ama dhaawacmay. Weli waxaan helaynaa warbixino ku saabsan hanti burburtay iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO ee la gubay,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Kooxo mucaarad ah ayaa ku eedeeyay dowladda in rabshadahaas lagu dilay boqolaal qof, balse dowladda Tanzania ayaa sheegtay in xogahaasi aanay xaqiiqo ahayn.

Sidoo kale, dowladda ayaa difaacday tallaabooyinkii lagu xaddiday adeegyada internet-ka, iyadoo sheegtay in ay ahaayeen kuwo amni, ma ahayn caburin muwaadiniin.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa hoggaanka Samia Suluhu iyo saameynta siyaasadeed ee xisbiga CCM ee dalka Tanzania, iyadoo ay u horseeday kalsooni cusub oo gudaha iyo dibadda ah.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.