Wararka24: Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, ayaa sheegay in isbahaysigu uu difaaci doono dhulkiisa iyo amnigiisa hawada sare, kaddib markii ay soo baxeen warbixinno sheegaya in Ruushku uu diyaarinayo dayax-gacmeed lagu qalabeeyay hub nukliyeer ah.
Warbixinnada sirdoonka ee arrintan la xiriira ayaa la sheegay in bishan lala wadaagay dalalka xubnaha ka ah NATO, iyadoo ay xuseen suurtagalnimada in Ruushku uu tallaabadan qaado 60-ka maalmood ee soo socda. Warbaahinta Jarmalka ayaa baahisay xogtan, balse weli lama shaacin dalka soo saaray xogtaas sirdoonka.
Markii wax laga weydiiyay warbixinnadaas, Rutte ayaa sheegay in NATO ay mar walba hubin doonto difaaca dhulkeeda, taas oo uu ku daray ilaalinta amniga hawada sare. Wuxuu sidoo kale sheegay in isbahaysigu leeyahay fursado kala duwan oo uu kaga jawaabi karo khataraha iman kara, isla markaana uu dib u qiimeyn doono awoodihiisa difaac marka loo baahdo.
Safaaradda Ruushka ee Berlin ayaa iyaduna diidday eedeymaha, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn, isla markaana sheegtay inay qayb ka yihiin olole dacaayadeed oo ka dhan ah Moscow.
Warbaahinta Jarmalka ee NDR iyo WDR, iyo wargeyska Süddeutsche Zeitung, ayaa iyagoo soo xiganaya ilo ka tirsan militariga iyo sirdoonka Jarmalka, sheegay in dayax-gacmeedka la tuhunsan yahay loogu magac daray “Sputnik-S”. Sida warbixinnadu sheegeen, waxaa suuragal ah in lagu qalabeeyay madax dagaal oo nukliyeer ah, taas oo carqaladeyn karta ama burburin karta dayax-gacmeedyada kale ee muhiimka u ah isgaarsiinta iyo xog-ururinta.
Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo dhinac taagnaa Rutte, ma uusan xaqiijin mana uusan beenin wararka, balse wuxuu sheegay inay muujinayaan heerka ay gaartay diyaar-garowga Ruushka ee tallaabooyinka milatari. Dowladda Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay inay arrinta si dhab ah u qaadanayso, iyadoo ka digtay in aan la abuurin cabsi xad-dhaaf ah oo ku saabsan khataraha aan weli la xaqiijin.
Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Yurub, Josef Aschbacher, ayaa suurtagalnimada hub nukliyeer ah oo hawada sare la geeyo ku tilmaamay xaalad aad u khatar badan.
Ruushku wuxuu ka mid yahay dalalka saxiixay Heshiiska Hawada Sare ee 1967, kaas oo mamnuucaya in hubka wax gumaada ee baaxadda weyn lagu meeleeyo wareegga hoose ee dulka. Si kastaba ha ahaatee, Moscow ayaa horay u beenisay eedeymo Mareykanku u jeediyay sannadkii 2024-kii oo ku saabsanaa horumarinta hub nukliyeer ah oo ka dhan ah dayax-gacmeedyada.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xilligaas sheegay in dalkiisu ka soo horjeedo in hub nukliyeer ah la geeyo hawada sare. Khilaafkan cusub ayaa dib u soo nooleynaya walaaca laga qabo tartanka hubka iyo amniga dayax-gacmeedyada ay ku tiirsan yihiin isgaarsiinta, hagidda iyo howlgalada milatari.









