Wararka24: 10-02-2026 Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona wufuud hordhac u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka qeybgalaya shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Wararka la helayo waxay sheegayaan in marka hore ay iman doonaan ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadibna ay ku xigi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada labada maamul.
Ilaalada labada madaxweyne ayaa horay looga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii Dowladda Federaalka ay ku dooday in tiradoodu badan tahay. Si kastaba, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka, dowladda ayaa aqbashay in madaxda labada maamul ay la yimaadaan ciidanka ay rabaan.
Sidoo kale, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay soo hormaraan waqtigii hore loo qorsheeyay, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayo in Arbacada la ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, isla maalintaasna la saxiixo.
Madaxda labada maamul ayaa doonaya in shirka uu furmo ka hor Khamiista oo markii hore loo asteeyay, iyadoo wararku tilmaamayaan in shirka uu furmi doono waqti ka hor jadwalkii hore, maadaama wafdiyada ay soo hormarayaan imaanshahooda.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa qorshaha wax ka beddelka dastuurka u arka mid lagu doonayo muddo-kororsi, arrintaas oo ay si adag uga horyimaadeen. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa cadaadis saartay dhinacyada si shirka loo qabto loogana gaaro is-afgarad arrimaha la isku hayo.
Ajendaha shirka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro doorashooyinka, dastuurka, midnimada dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaaladda abaaraha.


















