Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo lagu raadinayo maalgashi dibadda ah, isagoo tilmaamay in Somaliland la doonayo in loo abuuro deegaan ku habboon ganacsiga iyo maalgelinta.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay CNN Business Arabic, ayuu Cirro ku sheegay in heshiis ganacsi oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gebogebo ah. “Waxaan Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka, waxaana rajeynayaa in si dhow loo soo gabagabeeyo,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in maamulka uu doonayo in uu dhiso jawi nabdoon oo ganacsigu ku horumaro, isagoo sheegay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi dibadeed, gaar ahaan dhinacyada macdanta, shidaalka iyo gaaska. Wuxuu intaas ku daray in maalgashadayaasha la siinayo dhiirrigelinno ay ka mid yihiin cashuur-dhaaf muddo xaddidan ah si loo soo jiito shirkado caalami ah.
Cirro ayaa sheegay in laba shirkadood ay qorsheynayaan inay bilaabaan hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka Somaliland sannadka 2027. Waxa kale oo uu tilmaamay in maamulka uu ku hawlan yahay fududeynta nidaamka maalgashiga, isagoo xusay in la doonayo in bangiyo caalami ah laga furo Hargeysa si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgelinta.
“Somaliland waxay hodan ku tahay macdanta, shidaalka iyo gaaska, kheyraadka badda, dalxiiska, dhul beereedka iyo fursado kale oo badan,” ayuu yiri Cirro.
Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa wareysi uu hore u siiyay Reuters ku sheegay in ay jiraan wada-hadallo la xiriira heshiisyo ganacsi oo ku saabsan macdanta qaaliga ah, isaga oo xusay in maamulka uu raadinayo suuqyo iyo teknoolojiyad casri ah oo lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.


















