• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub...
Share

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Talaadadan safar rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya, iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay in safarku uu daaran yahay xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in booqashadan ay tahay mid lagu ballaadhinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, isku socodka xamuulka, amniga, iyo horumar waara oo labada dal ay si wadajir ah u gaadhi karaan.

“Safarka Madaxweynaha Somaliland waa tallaabo loo qaaday dhinaca xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yidhi qoraalka ku qoran af Amxaari ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland bogga facebook.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in safarkani uu sahli doono fursado lagu falanqeeyo arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga gobolka iyo xaaladda Geeska Afrika, isla markaana uu “jiho cusub u yeeli doono isku xidhka Addis Ababa iyo Hargeysa.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in booqashadaasi aysan ahayn safar dowladeed oo keliya, balse ay xanbaarsan tahay “fariin ku saabsan xiriirka taariikhiga ah iyo dhismaha mustaqbal wadaag ah oo ku salaysan rajo iyo amni uu helo Geeska Afrika.”

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tago Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isna maalmahan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa.

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay horraantii sanadkii hore, kadib markii ay kala saxeexdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay saldhig ciidan badeed ka hesho Gacanka Cadmeed, isla markaana ay aqoonsato Somaliland.

Hase yeeshee, heshiiskaasi ayaa dib u dhacay kadib markii Itoobiya cadaadis kala kulantay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, taas oo keentay in Addis Ababa ay hoos u dhigto fulinta heshiiska, iyadoo arrintaasi wali ay taagan tahay.


Share
Tags: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CirroSomalilandwararka mantawararka somalia
Previous Post

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

Next Post

4 Sano Kadib: Dhaxalka Uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu tagayo Umada Soomaliyeed…

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

4 Sano Kadib: Dhaxalka Uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu tagayo Umada Soomaliyeed...

NIRA oo shaacisay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka lagu qaadan doono lacag?

NIRA oo shaacisay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka lagu qaadan doono lacag?

Deni oo dhaqan geliyay xeerka cusub ee la-dagaallanka argagixisada Puntland

Deni oo dhaqan geliyay xeerka cusub ee la-dagaallanka argagixisada Puntland

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.