Wararka25: 24-02-2026 Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibbada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
UNTMIS iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa maanta la kulmay wakiillo sare oo ka kala socday labada dhinac, iyagoo ku boorriyay in la sii wado dadaallada lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara.
Qoraal kasoo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan go’aanka labada dhinac ee ah in wada-hadallada la sii wado, isla markaana loo baahan yahay niyad-sami iyo tanaasul si horumar loo sameeyo.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in inkastoo aan heshiis laga gaarin qodobadii la isku hayay, haddana ay rajo ka qabaan in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay dib isugu soo laabtaan si loo gaaro heshiis qaran oo loo dhan yahay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dowladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo qodobada ugu waaweyn ee la isku mari waayay ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddadoodu dhammaatay. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin natiijada kama dambaysta ah ee wadahadallada.


















