Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadallo, balse ay iska difaaci doonto faragelinta Maraykanka

Wararka25: 24-02-2026Iiraan ayaa mar kale ku celisay inay diyaar u tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro muranka ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo milatari oo uga timaada Mareykanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 24, 2026, 6:50 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadallo, balse ay iska difaaci doonto faragelinta Maraykanka
Share

Wararka25: 24-02-2026Iiraan ayaa mar kale ku celisay inay diyaar u tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro muranka ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo milatari oo uga timaada Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in weerar kasta oo Washington ka yimaada—xitaa haddii uu noqdo mid kooban loo aqoonsan doono fal gardarro ah, isla markaana ay Tehran ku dhaqmi doonto xaqeeda is-difaac sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo duqeyn xaddidan haddii heshiis laga gaari waayo wada-hadallada nukliyeerka.

Wadahadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa la filayaa inay ka qabsoomaan magaalada Geneva dabayaaqada toddobaadkan, iyadoo Cumaan ay dhexdhexaadinayso. Labada dhinac ayaa horey u yeeshay laba wareeg oo wadahadallo ah oo ka dhacay Switzerland iyo Cumaan, kuwaas oo mas’uuliyiinta Tehran ku sifeeyeen kuwo muujiyay calaamado dhiirrigelin leh.

Si kastaba, xiisaddu weli way taagan tahay, kaddib markii Mareykanku kordhiyay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe, tallaabo ay Tehran ku tilmaantay mid aan waxtar u lahayn jawiga wada-hadallada.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa beeniyay warar sheegaya in heshiis ku-meel-gaar ah la gaaray, isaga oo xusay in faahfaahinta wada-hadalladu ku ekaan doonto miiska gorgortanka.

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu ka go’an yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, balse uusan aqbali doonin cadaadis dibadeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Tehran ay mar walba ilaalin doonto danaha qarankeeda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.