Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista danjiraha cusub ee Soomaaliya

Wararka25: 24-02-2026 Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo noqonaya danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh, sida lagu xaqiijiyay warqad diblomaasiyadeed oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 24, 2026, 7:32 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista danjiraha cusub ee Soomaaliya
Share

Wararka25: 24-02-2026 Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqbashay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo noqonaya danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh, sida lagu xaqiijiyay warqad diblomaasiyadeed oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Oggolaanshaha diblomaasiyadeed ee loo yaqaan agrément ayaa jawaab u ahaa codsigii ay hore u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo u oggolaaneysa danjiraha la magacaabay inuu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa marka uu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyo hoggaanka Sacuudiga.

Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa horey uga soo qabtay xilal kala duwan oo sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda, waxaana uu beddelayaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Riyadh, kaas oo xil kale oo dowladeed loo wareejiyay.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Boqortooyada Sacuudiga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.