London – Kumanaan qof ayaa maanta bannaanbax ka dhigay bartamaha London, iyagoo muujinaya carada ay ka qabaan booqashada Madaxweyne Donald Trump oo u yimid magaalada safar rasmi ah.
Dadweynaha banaanbaxaya ayaa isagoo wata boorar iyo calaamado ka turjumaya diidmada ay u hayaan siyaasadaha Trump, gaar ahaan kuwa khuseeya siyaasadda caalamiga ah iyo xiriirka uu la leeyahay dalka Israa’iil.
Dibad-baxayaasha ayaa socod ku maray xaafado ka tirsan magaalada, qaarkood waxay lulayeen calanka falastiiniyiinta, halka qaar kalena ay siteen boodhadh ay ku dalbanayaan in hub loo dhoofiyo Israa’iil, lana soo afjaro xasuuqa ka socda Qaza
Mudaaharaadayaasha ayaa markii dambe isugu soo baxay Dhismaha Capitol, halkaas oo kumannaan qof ay isugu soo baxeen. Mudaaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isbahaysiga garabka bidix oo si weyn u dhaleeceeyay aqoonsiga Trump ee xasuuqa joogtada ah ee Israel ka wado Gaza
Trump ayaa dambiyada Israa’iil ee Marinka Gaza ku tilmaamay dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaartay Israa’iil iyo Mareykanka labadaba.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa gaaray UK, maalin ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday inay la wareegayso ilaalinta dhulka ee Waqooyiga Marinka Gaza.