
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo culus, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Axmed uu kulamo gaar ah la yeeshay xubno ka tirsan dowladda Kenya, safiirro reer Galbeed ah, iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo mucaarad ku ah dowladda Federaalka.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed ee ka dhanka ah Villa Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la kulmay xildhibaanno Soomaaliyeed oo ku sugan Kenya, isagoo uga mahadceliyay taageeradooda, kana warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland iyo khilaafka uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.
Warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo safar uu ku tagi doono Imaaraatka Carabta, si uu halkaas uga raadsado taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uu ku xoojiyo mowqifkiisa.
Abaabulka siyaasadeed ee uu wado Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qayb galin shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, taasoo cabsi ka abuurtay burbur ku yimaada nidaamka federaalka.
Axmed Madoobe ayaa si cad u dhaliilay dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay inay wado qorshe lagu wiiqayo awoodda maamul goboleedyada. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay khatar weyn ku tahay midnimada dalka iyo nidaamka federaalka.
Ilaa hadda, dowladda Federaalka kama aysan hadlin safarka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ka wado Nairobi, balse arrintan ayaa la filayaa inay sii kiciso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.