Wararka24: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka Maraykanka ee hakinta taageerada milatari iyo gargaarka uu siin jiray Soomaaliya uu yeelan doono saameyn toos ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Fiqi, oo la hadlay VOA, ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan doonto inay bedesho kaalinta uu Maraykanku baneeyey,

Dowlada mareekanka ayaa joojisay guud ahaan taagerida wadamo dhow ah ooy ay ku jirto soomalia, Madax weynaha cusub ee marekanka donald trump ayaa gabi ahaanba ka soo horjeeda tagerida dibida..
Wasiir Fiqi, Arrintaas waxay nagu tahay culeys dhaqaale, waana la ogyahay in dhaqaalaha dowladda Soomaaliya uu xaddidan yahay. Sanadkii hore qorshaha miisaaniyadeed waa la dejiyay, balse laguma tashan in kaalmada Maraykanka ay meesha ka bixi doonto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Axmed Fiqi ayaa shegay in booqashada uu ku tegay Maraykanka ay salka ku hayso sidii dowladda Soomaaliya uga codsan lahayd in laga reebo dalalka laga hakiyay taageerada.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarsatay qorshayaal lagu buuxinayo hakadka ka yimid Maraykanka, inkastoo bilaha hore ay culeys la kulmi doonto. laakiin haddii aan isku tashi muujino, waan ka guul gaari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka gargaarka bini’aadannimada, Wasiirka ayaa xusay in hay’adda USAID ay door weyn ka qaadatay kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay abaaraha iyo dhibaatooyinka kale soo food saaraan.
Go’aanka Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab, isla markaana dadaal ugu jirto horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka…
Trending
- Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
- Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
- DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
- Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay
- Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu ahayn mid tahriib ah, sida ay baraha bulshada qaar ku faafiyeen, balse uu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo ay u…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, ayaa ahaa musharrax si toos ah ay u taageerayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne Firdhiye. Guushiisa…
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
ShareMarwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay guul kale oo ay xildhibaanada taageersan Madaxweyne Firdhiye ka gaareen tartankii siyaasadeed ee golaha ka dhex socday. Amran, oo kasoo jeeda beesha Warsangeli – Dubeys, Xuseen Adareys, ayaa ka tirsan garabka xildhibaanada ku dhow Madaxweynaha. Doorashadan waxay…