
Wararka24: Asad Hagio ayaa 24 febraayo Wareysi xaasaasid leh, oo dhinacyo badan taabanayo siiyey dalsan Tv qeebtisa wareysiga (podcast) Fatuma abduqadir asad ayaa bilowgi wareysiga sheegay in wadanka uu kula kulmay is badal weyn iyo hormar uusan fileynin, isago sheegay in imaatankisa ay badali doonta fikrada dadbadan oo qurbo joog ah,
sidokale asad ayaa shegay in dhalinyaro caan ah aysan kasoo muuqan doonin youtubkisa, ayaa yidhi, Mesha dadka anaa isku haayey, Teamkana weysoo bateen, asxaabtana weysoobateen, ana waxaan ahay qof markasta jecel waji cusub, asad oo sii wata yidhi, xumaan inagama dhaxeyso aniga iyo dhaliyarada, ee aniga ayaa shaxda badalay, oo waxan jeclahay wajiyo cusub iyo dad cusub inaan jaanis siiyo ayaan jeclaaday,
Asad hajio ayaa sidokale kahadlay soo caan bixinta dhalinyaro farabadan oo youtubera ah sanadadi ee ugu danbeysay, asad ayaa shegay in soo caanbixinta dhalinyarada aysan wax dhiba ku heyn oo uu isku kalsoonyahay, oo u san ka cabsaneyn in suuqa ku caririyaan ama ay views ka qaataan, waligis kama uusan baqanin,
Isago ku sifeeyey, intoda badan eysan isku mid aheyn, ineysan isku barnaamij aheyn, sido kale isku heerka ahey, sido kale isku wax qabasho ahayn, oo uu isaga ka wax qabad badan yahay, oo aysan qaban karin waxa uu isaga qabto, qalabka uu heysto ineysan heli karin, hadi ay helan xita qaab loo isticmalo aysan aqoon,
Asad hajio ayaa ugu danbeyn tii shegay in uu culeys sookoray oo muqaalada marki laduubayo gurigiisa laiskugu imaan jiray, isago sheegay in uu kala fudeydiyey, oo dadka qaar ayuu fasaxay, lkn wax xumaan aysan jirin dhexdooda,
Wareysigaan ayaan imanaya mar ay dhalinyarada xaaladooda aysan fadhin oo isku dhacyo iyo warar badan bulsha dhexdeda laga wado..
Trending
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la…
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu…
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee…

















