Wararka24: 12-02-2026 Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.
War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ujeedadu tahay wiiqidda awoodda kooxda ISIS-Somalia.
Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlaha ka dhanka ah kooxda Daacish si looga hortago khatar ay ku yeeshaan Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qalabka iyo cutubyada loo adeegsaday duqeynta ayaan la shaacin, iyadoo la sheegay in arrintaas loo sameeyay ilaalinta amniga howlgalada socda.
Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli Puntland ay hoos u dhigtay howlgaladii milateri ee ka socday buuraha Calmiskaad, iyadoo horay halkaas uga saartay ciidamo la dagaalamayay kooxda Daacish.


















