• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Qorshaha Mareykanka ee Lagu Joojinayo TPS-ka Soomaalida oo dacwad laga gudbiyay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Qorshaha Mareykanka ee Lagu Joojinayo TPS-ka Soomaalida oo dacwad laga gudbiyay
Share

Wararka24: 12-02-2026 U doodayaasha xuquuqda soo-galootiga ayaa dacwad u gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Boston, iyagoo doonaya in la joojiyo qorshaha maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu soo afjarayo barnaamijka Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida.

Dacwadda ayaa waxaa wada gudbiyay afar muwaadin oo Soomaali ah iyo laba hay’adood oo u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ay ku joojinayso TPS-ka Soomaalida laga bilaabo 17-ka Maarso.

Dacwoodayaasha ayaa ku dooday in tallaabadan ay saameyn ku yeelan doonto ku dhowaad 1,100 Soomaali ah oo si sharci ah ugu nool kana shaqeysta Mareykanka.

Waaxda Amniga Gudaha ayaa horay u sheegtay in go’aankan lagu gaaray kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay in xaaladda dalka ay ka soo hagaagayso.

Hay’adaha gudbiyay dacwadda ayaa dhankooda ku dooday in joojinta TPS-ka ay dhaawici karto qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, isla markaana ay u baahan tahay in dib loogu eego maxkamad ahaan.

Barnaamijka TPS ayaa ah nidaam bini’aadannimo oo u oggolaanaya muwaadiniinta dalalka ay ka jiraan colaado ama xaalado adag inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan una shaqeystaan Mareykanka iyagoo laga ilaalinayo musaafurin.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay lagu daray liiska dalalka la siiyo TPS sanadkii 1991, waxaana kumannaan Soomaali ah ay muddo dheer ku noolaayeen Mareykanka iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamijkaas.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.