Wararka24: 28-01-2026:Afhayeen u hadlay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa si cad u beenisay in wax kulan gaar ah ay yeesheen Eric Trump iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), intii lagu guda jiray Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Kimberly Benza ayaa wakaaladda Reuters u sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho ballaaran oo ay joogeen dad badan, balse aysan jirin wax kulan gaar ah ama wada-hadal rasmi ah oo dhex maray Eric Trump iyo Madaxweynaha Somaliland.
“Marna ma dhicin in Eric Trump uu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena kama wada hadlin deked, maalgashi ama arrimo kale,” ayay Benza ku tiri hadal ay siisay Reuters, iyadoo xustay in in ka badan 100 qof ay ku sugnaayeen hoolka xilligaas.
Afhayeenku waxa ay sidoo kale sheegtay in Eric Trump uusan wax faallo ah ka bixin hadal uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana xiriirkii dhacay uu ku ekaa salaam guud iyo is-barasho kooban oo aan dhaafin heerka munaasabadda.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Reuters u sheegay in uu la hadlay Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, isaga oo ku tilmaamay wada-hadallada kuwo guul leh. Si kastaba ha ahaatee, Reuters ayaa sheegtay in aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin faahfaahinta wada-hadalladaas.
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen oo lagu qabtay Davos, halkaas oo uu kaga hadlay fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera.
Sida ay wakaaladdu xustay, weriye ka tirsan Reuters ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay hool uu ku sugnaa Eric Trump, iyadoo sawirro la arkay ay muujinayeen Eric Trump oo salamaya Madaxweynaha Somaliland.


















