• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Magaalada Gaalkacyo
Share

Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wajahaysa xaalad cakiran oo dhinaca amniga ah kadib markii uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Maxamuud Cismaan Diyaano, taliyihii hore ee ciidamada PSF.

Dagaalka ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan nawaaxiga warshaddii hore ee Kabista. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku lahaayeen maleeshiyaad hubeysan. Intii uu dagaalka socday, waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay taliyihii ilaalada madaxtooyada Puntland, Gashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiisaddan ayaa salka ku heysa muran ka dhashay xil ka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Maxamuud Diyaano sanadkii 2022, markaas oo laga wareejiyay hogaanka PSF laguna bedelay xil cusub. Diyaano ayaa xilkaas diiday, taas oo sababtay in uu sameysto kooxo taabacsan oo hubeysan, kuwaasoo maamulka Puntland ku eedeeyay inay fowdo ka wadaan magaalada.

Warar ka ag dhow maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen warshadda Kabista oo lagu tuhunsanaa inay tahay xarun lagu farsameeyo maandooriye, ayna halkaas saldhig ku lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Diyaano.

Xaaladda magaalada ayaa haatan degan, balse weli waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalku uu dib u qarxo. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la sheegay inay kordhiyeen heegan iyo roondada magaalada, si looga hortago falal kale oo amni darro ah.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xoogan, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya magaalada in khilaafka lagu xalliyo si nabad ah oo laga fogaado waxyeello hor leh oo gaarta shacabka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo martay xiisado amni darro oo la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana hadda la rumeysan yahay in dagaalka cusub uu yahay mid khatar weyn ku ah dadaallada lagu sugayo xasilloonida gobolka.


Share

Recommended

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

7 months ago
Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

1 week ago
Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

4 months ago
Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

7 months ago
Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

5 months ago
Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

5 months ago
Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

3 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.