• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, October 11, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Afhayeenka ciidanka booliska oo ka warbixiyay dhacdadii Afarta Darjiin

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Afhayeenka ciidanka booliska oo ka warbixiyay dhacdadii Afarta Darjiin
Share

Afhayeenka ciidanka booliska

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka warbixiyay dhacdadii shalay ee ka dhacday isgoyska Afarta Darjiin, kaas oo sababtay dilka wiil Bajaajle ah iyo gubida gaari ay lahaayeen ciidamada booliska.

Ugu horreyn, wuxuu xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka damebeeyay falkaasi oo ka tirsan ciidanka Taraafikada. Afhayeenku wuxuu sheegay in askarigaasi uu ku xiran yahay xarunta dambi baariska ee C.I.D, isaga oo la horgeyn doono maxkamadda ku shaqaysa.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in dil uu ka dhacay isgoyska Afarta Darjiin, kaas oo uu gaystay eedeysane ka tirsan ciidanka nabad-gelyada waddooyinka, gaar ahaan Taraafiko. Eedeysanahaas waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ku socota baaris, si cadaaladda loo horgeeyo,” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in booliska Soomaaliyeed uu ku raad-joogo shaqsiyaad uu sheegay inay ka dhex faa’iideysteen shaqaaqada, isla markaana gubay mid ka mid ah gawaarida ciidanka booliska oo shalay lagu burburiyay goobta, kadibna dab la qabad-siiyay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in, haddii lasoo qabto dadkaasi, lasoo taagi doono maxkamad si loogu qaado faldambiyeedka ay galeen.

“Taliska ciidanka boliska Soomaaliyeed wuxuu ku raad-joogaa eedeysanayaal kusoo dhex dhuuntay goobta uu dilka ka dhacay xilliga ay saxmadda socotay, kuwaas oo si bareer ah u burburiyay gaari uu lahaa booliska Soomaaliyeed oo ah hanti dadweyne, kaas oo ay si bareer ah u burburiyeen, kadibna ay dab qabad-siiyeen,” ayuu markale yiri.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa intaasi ku daray in qof kasta oo dambiga uu gaysto isaga lagula xisaabtami doono, wuxuuna falalka noocaan ah uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan sidoo kale ku wargelinayaa shaqsi kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed dambiga uu gaysto inuu isaga masuul ka yahay,” ayuu raaciyay.

Falkan wuxuu daba socday dilka wiil Bajaajle ahaa oo si bareer ah uu askari ka tirsan Taraafikada ugu gaystay Afarta Darjiin. Waxaa kadib dib-u-dhigay Bajaaleyda iyo shaca careysan oo isugu soo baxay halkaasi, kadibna waxay isku dhaceen booliska.

Dhacdooyinkan ayaa soo noq-noqday, waxaana marar badan darawallada Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: ciidanka booliskawararka mantawararka somalia
Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi oo wasiiro cusub magacaabay, qaarna eryay + magacyadooda

Next Post

Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab marki ugu Horeysay + SAWIRO

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka

Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab marki ugu Horeysay + SAWIRO

Israel iyo Xamaas.

Maxa iska badalay Wada hadaladi Israel iyo Xamaas? Netanyahu oo sheegay in duqaymihii xalay ay socondoonan + sababta?

Burcad-badeed Soomaali

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab kale manta + wadanka laga leeyahay?

Recommended

Israel iyo Xamaas.

Maxa iska badalay Wada hadaladi Israel iyo Xamaas? Netanyahu oo sheegay in duqaymihii xalay ay socondoonan + sababta?

7 months ago
Xaafada Taleex Ee Magaalada Muqdisho

Xaafada Taleex Ee Magaalada Muqdisho Oo Laga Helay Nin Meyd Ah oo ladilay

4 months ago
Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran oo Ku Adkaystay Inaanay Gorgortan Ka Gelin Barnaamijkooda Nukliyeerka ah.

5 months ago
Hirshabelle

Mas’uul Ka Tirsan Hirshabelle oo Lagu Dilay Magaalada Jowhar

5 months ago
148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

4 hours ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

4 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.