Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Baydhaba iyo ujeeddada go’aankan

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah oo laga hirgelinayo magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga xilli lagu jiro diyaar-garowga doorashooyinka maamulka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 4:44 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Baydhaba iyo ujeeddada go’aankan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah oo laga hirgelinayo magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga xilli lagu jiro diyaar-garowga doorashooyinka maamulka.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon), ayaa shir jaraa’id ku sheegay in bandowgu uu bilaabanayo 7:00 fiidnimo isla markaana uu socon doono ilaa salaadda subax. Inta uu bandowgu jiro waxaa la joojinayaa isu socodka guud ee magaalada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddada go’aankan ay tahay sugidda amniga iyo ilaalinta jawi deggan oo loogu diyaar garoobo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, maamulka ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada, iyadoo la adkeeyay tallaabooyinka lagu xakameynayo falalka amni darrada iyo wax kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka doorashada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay u hoggaansamaan awaamiirta cusub ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Magaalada Baydhabo waxaa hadda si weyn uga howlgala ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaas oo wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga gudaha magaalada iyo daafaheeda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii magaalada ay ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kuwaas oo markii dambe dib looga saaray magaalada.

Daawo


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.