• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah shaqada u bilaabay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah shaqada u bilaabay
Share

Wararka24: Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u guda galay waajibaadkooda shaqo, kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale. Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan shaqadooda, isla markaana mudnaan siiyaan danaha shacabka iyo horumarinta hay’adaha dowladeed.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaataan arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta geeddi socodka dowlad-dhiska ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa bogaadiyay habsami u socodka dhaarinta, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta iyo sii wadista hannaanka siyaasadeed ee maamulka.

Dhaarinta xildhibaannadan cusub ayaa kusoo beegantay xilli magaalada Baydhabo ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kadib dagaallo iyo muranno la xiriira hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la guda galo doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay saameyn ku leedahay mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.