Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah shaqada u bilaabay

Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u guda galay waajibaadkooda shaqo, kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 31, 2026, 2:02 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo si rasmi ah shaqada u bilaabay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u guda galay waajibaadkooda shaqo, kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale. Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan shaqadooda, isla markaana mudnaan siiyaan danaha shacabka iyo horumarinta hay’adaha dowladeed.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaataan arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta geeddi socodka dowlad-dhiska ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa bogaadiyay habsami u socodka dhaarinta, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta iyo sii wadista hannaanka siyaasadeed ee maamulka.

Dhaarinta xildhibaannadan cusub ayaa kusoo beegantay xilli magaalada Baydhabo ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kadib dagaallo iyo muranno la xiriira hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la guda galo doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay saameyn ku leedahay mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.