• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Liiska Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La Shaaciyay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Liiska Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La Shaaciyay
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee doorashadii isku-sidkanayd ee 10-kii bishan ka dhacday Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa tiradoodu dhan tahay 92 xubnood, kuwaas oo matali doona deegaannada maamulka muddo xileedka soo socda. Inta badan xubnahan ayaa kasoo baxay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajir (JSP) oo uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamud.

Shaacinta liiskan ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si kama dambeys ah u ansixisay natiijada doorashada, iyadoo maxkamaddu sheegtay inaan wax cabasho rasmi ah laga gudbin muddadii sharcigu oggolaa.

Sida ay hore u shaaciyeen guddiga doorashooyinka, doorashada waxaa ka qeyb-galay 32 urur siyaasadeed, halka tirada codbixiyeyaasha la diiwaangeliyay ay gaartay in ka badan 132,000 qof.

Kuraasta Golaha Wakiillada oo gaaraya 95 kursi ayaa xisbiga JSP ku guuleystay 51 kursi, halka ururka NPU uu helay 14 kursi, sida lagu sheegay natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada.

Ansixinta natiijada iyo shaacinta xildhibaannada cusub ayaa furaysa waddada dhismaha hay’adaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan doorashada guddoonka baarlamaanka iyo hoggaanka maamulka.

Doorashadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay weli ka muujiyeen walaac ku saabsan geeddi-socodka doorashada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.