Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xeer Ilaalinta Oo Faahfaahin Ka Bixisay Kiiska Sacdiyo Bajaaj

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horgeyn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo hore uga shaqeyn jirtay darawalnimada mooto Bajaaj, si loo guda galo dhageysiga dacwaddeeda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 26, 2026, 11:52 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xeer Ilaalinta Oo Faahfaahin Ka Bixisay Kiiska Sacdiyo Bajaaj
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horgeyn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo hore uga shaqeyn jirtay darawalnimada mooto Bajaaj, si loo guda galo dhageysiga dacwaddeeda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gabagabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah. Wuxuu xusay in hay’adaha caddaaladdu ay dhameystireen inta badan habraacyadii loo baahnaa, isla markaana hadda la sugayo jadwalka rasmiga ah ee maxkamadda.

Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay wararka kala duwan ee lagu faafinayo baraha bulshada, isagoo sheegay in ay jiraan xog aan sax ahayn oo ku saabsan kiiska. Wuxuu tilmaamay in wararka noocaas ah ay dhaawici karaan kalsoonida lagu qabo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Sacdiyo la xiray 21-kii April 2026, islamarkaana muddo 48 saacadood gudahood ah la horgeeyay maxkamad. Sida uu sheegay, maxkamaddu waxay markaas dhageysatay warbixinta hordhaca ah ee baarista, kadibna ay sharciyeysay sii haynta eedeysanaha inta baaristu socoto.

Wuxuu intaas ku daray in faylka dacwadda si rasmi ah loogu wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta, ka dibna loo gudbiyay maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo guda galo dhageysiga dacwadda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sharciga hortiisa u siman yihiin, isla markaana qof kasta oo loo haysto fal-dambiyeed uu leeyahay xuquuq uu ku helo difaac sharci iyo caddaalad waafaqsan dastuurka dalka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo eedeymo ku saabsan xarigyo iyo cadaadis la sheegay in lagu hayo qaar kamid ah dhalinyarada iyo shacabka, kuwaas oo ay hore u soo hadal qaadeen xubno ka tirsan mucaaradka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.