Wararka24: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horgeyn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo hore uga shaqeyn jirtay darawalnimada mooto Bajaaj, si loo guda galo dhageysiga dacwaddeeda.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gabagabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah. Wuxuu xusay in hay’adaha caddaaladdu ay dhameystireen inta badan habraacyadii loo baahnaa, isla markaana hadda la sugayo jadwalka rasmiga ah ee maxkamadda.
Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay wararka kala duwan ee lagu faafinayo baraha bulshada, isagoo sheegay in ay jiraan xog aan sax ahayn oo ku saabsan kiiska. Wuxuu tilmaamay in wararka noocaas ah ay dhaawici karaan kalsoonida lagu qabo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Sacdiyo la xiray 21-kii April 2026, islamarkaana muddo 48 saacadood gudahood ah la horgeeyay maxkamad. Sida uu sheegay, maxkamaddu waxay markaas dhageysatay warbixinta hordhaca ah ee baarista, kadibna ay sharciyeysay sii haynta eedeysanaha inta baaristu socoto.
Wuxuu intaas ku daray in faylka dacwadda si rasmi ah loogu wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta, ka dibna loo gudbiyay maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo guda galo dhageysiga dacwadda.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sharciga hortiisa u siman yihiin, isla markaana qof kasta oo loo haysto fal-dambiyeed uu leeyahay xuquuq uu ku helo difaac sharci iyo caddaalad waafaqsan dastuurka dalka.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo eedeymo ku saabsan xarigyo iyo cadaadis la sheegay in lagu hayo qaar kamid ah dhalinyarada iyo shacabka, kuwaas oo ay hore u soo hadal qaadeen xubno ka tirsan mucaaradka.


















