Wararka24: Xukuumadda Somaliland iyo ganacsatada shidaalka ayaa si wadajir ah u go’aamiyay qiime cusub oo lagu iibinayo shidaalka, kaddib shirar isdaba joog ah oo ay yeesheen.
Go’aankan ayaa ka dhashay falanqayn lagu sameeyay kororka ku yimid qiimaha shidaalka dibadda laga soo dejiyo, iyadoo litir shidaal ah laga dhigay 12,500 Shilin Somaliland, halka naaftadana lagu go’aamiyay 10,500 Shilin Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in qiimahan cusub uu ka tarjumayo xaaladaha adag ee helitaanka shidaalka, isagoo xusay in yaraanta iyo kororka qiimaha ay la xiriiraan arrimo caalami ah.
Ganacsatada ayaa dhankooda sheegay in qiimahan lagu saleeyay kharashka dhabta ah ee soo dejinta shidaalka, gaar ahaan sare u kaca ku yimid qiimaha suuqyada caalamka.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qiimayaasha dib loo eegi doono toddobaad kasta, si loo waafajiyo isbeddellada ka jira suuqa shidaalka.
Kororka qiimaha shidaalka ayaa si dhow ula xiriira xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, kuwaas oo saameeyay sahayda iyo gaadiidka shidaalka ee caalamka.
Xukuumadda iyo ganacsatada ayaa ugu dambeyn sheegay inay si wadajir ah ula socon doonaan xaaladda, si loo xasiliyo suuqa iyadoo la tixgelinayo duruufaha nololeed ee shacabka.

















