• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u dirtay kooxaha taageersan Lafta-gareen

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
DF Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u dirtay kooxaha taageersan Lafta-gareen
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalab xasaasi ah u dirtay kooxaha taageersan madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, iyadoo ugu baaqday inay isa soo dhiibaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Lafta-gareen uu marayo marxalad adag, islamarkaana uu ka tagi doono Koonfur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha dib ugu soo laabashada xukunka ee Lafta-gareen uu la kulmay diidmo ballaaran, isla markaana laga lumiyay degmooyin muhiim ah.

Wasiirka ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo dhalinyarada weli taageersan Lafta-gareen inay ka faa’iideystaan fursadda jirta, ayna ku biiraan dhinaca dowladda federaalka.

Dhanka kale, madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa hore u shaacisay cafis guud oo loo fidiyay ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo ku biiray mucaaradka, iyadoo lagu dhiirrigeliyay inay ka qayb qaataan doorashooyinka Baydhaba.

Xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa sii kordheysa, iyadoo labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aadan in khilaafkan siyaasadeed uu isu rogo iska hor imaad hubeysan haddii aan xal laga gaarin.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.