Wararka24: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa manta qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh
Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xarigga loo gaystay Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay xabsiga la dhigay iyo sidoo kale is hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Jubbaland ee laga celiyay Kismaayo..
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn uga soo horgeeda siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay muujinayaan taag yaradiisa, maadaama uu dhammaanayo muddo xileedkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.. Qoraal uu soo dhigay boggisa facebook ayaa u dhigna..
Waxaan canbaareynaa xarigga wariye Cali Aadan Muumin, waana in degdeg loo sii daayo, xorriyaddiisana loo soo celiyo.
Xarigga Cali, Xildhibaannadii safarka laga xayiray, iyo kulamada siyaasadeed ee la hor istaagay waa ififaalo muujinaya taageerida rajiimka muddo xileedkiisu dhammaanayo. Waxay kaloo caddayn u tahay in xeeladdii xil iyo xoolo ku aamusinta ee caadada u ahayd ay shaqayn la’dahay.
Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”
Madax dastuurkii dalka beddeshay, sharcina uusan xakameynin, awooddii dawladdeed iyo hantidii qaranka ku takrifalaysta ayaa ku leh ciddii wax naga sheegta waa danbiile.
Dhurwaa baa laga sheegay gano Doofaar baa ii sahansan, innaguna waxaan leenahay Tiiro-dhigga rajiimka inoo sahansan…!



Hadalka xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa imaanaya xili DF ay xali xirtay wariye Cali aden mumin isagoo lagu haysto eedeymo la xiriira amni-darro iyo hadalo aflagaado ah oo uu mas’uuliyiinta DF Ku aflagaadeeyey..
Sidoo Kale Waxaa Xarigan cambaareeyay xildhibaano katirsan DFS Ayagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.. Xildhibaan Mursal M Khaliif oo laga soo doortay Gobalka Gedo ayaa si weyn uga hadlay Xariga Weriye Cali Aadan Muumin kuna tilmaamay Caburinta Saxaafadda Mid aan la aqbali karin. qoraal uu soo dhigay Boggisa X loo yaqiinay (twitter)
Sidoo kale, Xildhibaan Abdirahman Abdulkadir Adde oo matala Beelaha Banaadiriga ayaa si weyn u cambaareeyay Xariga loo geystay Weriyaha weyn Cali Aadan Muumin waxa uuna dalbaday in si deg deg ah loo soo daayo. qoraal uu soo dhigay boggisa facebook ayaa uqorna sida tan…
Waxaan canbaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee lagula kacay wariye Cali Aadan Muumin, oo ka mid ahaa wariyeyaasha kuwooda ay inta badan bulshada kala duwanaayeen waxii war ah oo ka soo baxayay warsaxaafadeedka ama gaabiska ah ee ka soo baxay khilaafka kala duwan ee doorashada.
Xariggu ma ahan xal lagu cabsi gelin karo karo wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyada oo taas looga dan leehay in ay ka aamusaan mas’uul ka jira hay’adaha dagaal, dhul boobka iyo dowladnimada dalkeenna ee qaldan ku socota.
Waxaan codkeyga ku biiriyay madaxda, bulshada Soomaaliyeed iyo bahda ururada ee dalbanaya in xayiraadaha dib loogu soo celiyo wariye Cali Aadan Muumin.
Arintaan ayaa wali socoto wixi soo korda waxaan idinkula socodsiin doonaa wararkanaga xiga..
Wararka ugu aqrinta badan..
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye,…
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
ShareMarwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay guul kale oo ay xildhibaanada taageersan Madaxweyne Firdhiye ka gaareen tartankii siyaasadeed ee golaha ka dhex…