Wararka24: 28-01-2026:Xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa ayaa ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib muran culus oo ka dhashay sii wadista wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo xildhibaannada iyo guddiyada qaabilsan arrimaha dastuurka ay si weyn arrintan ugu kala qeybsameen.
Xiisaddan ayaa soo ifbaxday kaddib markii guddiyada Dastuurka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), u gudbiyeen cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddelka Dastuurka, si loo furo dood loona ansixiyo, tallaabadaas oo ay si adag uga horyimaadeen xildhibaano badan.
Xildhibaannada diidan arrintan ayaa ku doodaya in Kalfadhiga Golaha Shacabka uu dhammaaday, isla markaana xeer-hoosaadka Baarlamaanka uusan ogolaanayn in sharci cusub la keeno marxaladdan. Waxay sheegeen in Golaha la xirayo ay tahay mid waafaqsan sharciga.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudanayaasha sida adag uga soo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka, ayaa sheegay in sharci ahaan aan waxba la keeni karin xilligan, isaga oo digniin u diray guddoomiyaha Golaha.
“Kalfadhigeenna berri oo kaliya ayaa ka harsan, lama keeni karo sharci. Aadan Madoobe wuu yaqaannaa xeer-hoosaadka, aktigiisana ayuu yaallaa, ha fiiriyo,” ayuu yiri Jeesow.
Wuxuu intaas ku daray: “Dastuurka ay maanta ilaa habeen hore isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh la cararayaan xaq uma laha inay keenaan, caalamkuna ha ogaado wixii dhaca masuuliyaddiisa isaga ayaa qaadaya.”
Dhanka kale, cabsi xooggan ayaa laga muujinayaa in fowdo ka dhacdo kulanka Golaha Shacabka ee maanta, kaddib hadallo xalay ay jeediyeen xildhibaanno sheegay in “gacmaha la isku tegi doono” haddii Dastuurka la hor keeno Golaha.
“Aadan Madoobe Alamtara ayuu soo dhaafay, balse berri gacmaha ayaan qabanaynaa, wixii dhacana isaga ayaa ka masuul ah,” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Qalato.
Xildhibaano kale ayaa sheegay in xilligan kala-guurka ah aan la aqbali karin in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka, maadaama uu dhammaaday muddo-xileedka hay’adaha dowladda, oo uu ku jiro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli la filayo in horraanta bisha soo socota ee Febraayo ay Muqdisho ka bilaabmaan wada-hadallo u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo diiradda saari doona khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.



















