Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu horay u oggolaaday doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xarigga uga jarayay waddada Dabka iyo Bakaaraha, isagoo si toos ah uga hadlay khilaafka kala dhexeeya Lafta-gareen.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Lafta-gareen uu ka baxay heshiis hore loo gaaray, isagoo xusay in ay hayaan caddeymo iyo saxiixyo la xiriira oggolaanshaha doorashada qof iyo cod.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in doorasho dadban ay dhammaatay, islamarkaana dalka uu u gudbayo nidaam doorasho oo ay shacabka si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aan dib loogu laaban doonin nidaamkii hore, isla markaana dowlad goboleedyada lagu heshiiyay hirgelinta doorashada cusub.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Waxaa jira walaac sii kordhaya oo laga qabo in khilaafkan siyaasadeed uu isu beddelo iska hor imaad hubeysan haddii aan xal laga gaarin.
DAAWA


















