• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidamada AUSSOM oo la xiray iyo sababta

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidamada AUSSOM oo la xiray iyo sababta
Share

Wararka24: Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda kana mid ahaa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ayaa la xiray kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta burbur diyaarad militari.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ah Korneyl George Buga Andruca, Major Benjamin Kashumbusha iyo Lieutenant Henry Gygenda, kuwaas oo ka tirsanaa cutubka duulista ee ciidamada Uganda.

Dacwadda ayaa la xiriirta shil diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya bishii Sebtembar 2024, kaas oo la sheegay in uu ka dhashay hawlgal si khaldan loo fuliyay.

Saddexdan sarkaal ayaa ka soo hor muuqday guddi garsoor oo uu hoggaaminayo Korneyl Frederick Kangwamu, halkaas oo lagu soo oogay hal dambi oo la xiriira dayacaad sababay khasaaraha diyaaradda.

Dhamaan saraakiisha ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay, iyagoo wajahaya ciqaab adag haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaannada wali socdaan, taasoo sababtay in kiiska dib loo dhigo, iyadoo maxkamaddu amartay in saraakiisha lagu sii hayo xabsi ilaa 4ta April 2026.

Diyaaradaha militari ee Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaata howlgalada AUSSOM, inkastoo sanadihii dambe ay jireen shilal soo noqnoqday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.