Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Midowga Afrika oo ka dalbaday Israel in ay ka laabato aqoonsiga Somaliland

13-02-2026 Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si cad u xaqiijiyay mar kale midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 13, 2026, 10:42 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Midowga Afrika oo ka dalbaday Israel in ay ka laabato aqoonsiga Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 13-02-2026 Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si cad u xaqiijiyay mar kale midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa goluhu ku sheegay in aqoonsiga hal-dhinac ah ee Israa’iil siisay Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku lahayn sharciga caalamiga ah.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa ka dalbaday Israa’iil inay si degdeg ah uga laabato go’aankaas, iyagoo carrabka ku adkeeyay in “cidna aanay lahayn awood ama sharciyad ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal xubin ka ah Midowga Afrika.”

Goluhu wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku aaddan cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka hal-dhinac ah ee noocan ah, kuwaas oo halis gelin kara xasilloonida gobolka iyo mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika.

Bayaanka ayaa xusay in go’aanka Israa’iil ee 26-kii Diseembar ee sanadkii hore lagu dhawaaqay uu yahay mid si buuxda uga hor imanaya mowqifka Midowga Afrika iyo heshiisyada caalamiga ah ee dhowra midnimada dalalka xubnaha ka ah AU.

Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay guulaha amni ee dhawaan laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ku bogaadiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.