• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Midowga Afrika oo ka dalbaday Israel in ay ka laabato aqoonsiga Somaliland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Midowga Afrika oo ka dalbaday Israel in ay ka laabato aqoonsiga Somaliland
Share

Wararka24: 13-02-2026 Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si cad u xaqiijiyay mar kale midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa goluhu ku sheegay in aqoonsiga hal-dhinac ah ee Israa’iil siisay Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku lahayn sharciga caalamiga ah.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa ka dalbaday Israa’iil inay si degdeg ah uga laabato go’aankaas, iyagoo carrabka ku adkeeyay in “cidna aanay lahayn awood ama sharciyad ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal xubin ka ah Midowga Afrika.”

Goluhu wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku aaddan cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka hal-dhinac ah ee noocan ah, kuwaas oo halis gelin kara xasilloonida gobolka iyo mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika.

Bayaanka ayaa xusay in go’aanka Israa’iil ee 26-kii Diseembar ee sanadkii hore lagu dhawaaqay uu yahay mid si buuxda uga hor imanaya mowqifka Midowga Afrika iyo heshiisyada caalamiga ah ee dhowra midnimada dalalka xubnaha ka ah AU.

Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay guulaha amni ee dhawaan laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ku bogaadiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.