
Wararka24, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay dagaalka ka soconaya qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan kuwa lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.
Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya kuwa Difaaca Shacabka, ayaa Shabaabka kula dagaalamaya deegaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug. Dhanka kale, Ciidanka Difaaca Puntland ayaa Daacish kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Daacish iyo Al Shabaab

Ayaa Sidokale sheegay in guulo laga gaaray dagaaladaasi, lagana adkaan doono kooxaha argagixisada ee baqdingelinta ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Waan ka adkaanaynaa kuwa qaba in dadka meesha ay joogaan jooga in lagu hayo argagaxa, cabsida iyo barakacinta kuwa ku haya waan ka qabanaynaa, waana ka adkaanaynaa dhinac kasta oo ay joogaan ama Daacish ha ahaadaan ama Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa reer Puntland iyo labada maamul ee kale ee Galmudug iyo Hirshabelle ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen la dagaalanka kooxahaasi.
Argagixiso oo dhan in laga adkaaday waxay bilaabatay maalinta dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo dadkeeda, culimada, abwaanada iyo dhallinyarada markii ay garteen, kuna baraarugeen in shacabka loo sheego in nimankan waxa ay wadaan diin inaanay ahayn, dadnimana aanay ahayn maalintii dadka loo sheegay, maalintaas ayay guusha bilaabatay,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xusay in dowladdu ay ballaarin doonto nidaamka caafimaadka dalka, isla-markaana ay adeegyada bulshada gaarsiin doonto deegaanada laga xoreeyay Al Shabaab iyo dhulka fog ee miyiga.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo uu ku eedeeyay inay dowladda ceebeynayaan.
“Siyaasiyiinta waxaan leeyahay wax badan oo fiican oo dadka Soomaaliyeed loo sheegaa jiro u sheega ama hadday u qabsoomeynee u muujiya ama berri ayay qaban karaanee u tilmaama oo dhaha meeshaasaa gaari karnaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta ku dhaliilay bedelkii ay si hoose dowladda wax ugu sheegi lahaayeen, talooyina ay siin lahaayeen ay ka fagaareyaasha ka ceebeynayaan.
“Waxa xun iyo waanada hoos isu sheegid ayay leedahay. Waano sidaydaba waa gaar, qofka inaad u tagto oo tiraahdo walaalow waxaan aad sameynayso waa laga fiican yahay ee ka joog inaad tiraahdid aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, ajar iyo xasaanadna Ilaahay waa kaa siinayaa. Shaarica markaad la istaagtid, waano ma ahan, cambaareyn, ceebeyn iyo caay waaye ee waano ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu maanta xarigga kaga jaray isbitaal laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin

















