Wararka24: 4-02-2026:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga uga qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha cusub, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaano, saraakiil ciidan, safiirro iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in isbeddelkan uu yahay mid ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlgallada amniga iyo dib-u-dhiska ciidamada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay taliska cusub in ay sii wadaan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, isla markaana la dardargeliyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo saaxiibada caalamiga ah.



























