Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Erdogan iyo Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlay Arimaha Soomaaliya

5-02-2026:Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 5, 2026, 9:22 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Erdogan iyo Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlay Arimaha Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 5-02-2026:Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyay kulan heer sare ah oo labada hoggaamiye ku yeesheen Riyadh intii lagu jiray booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Turkigu ku tegay Sacuudiga.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida, horumarka iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka digay tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada qaranka.

Sida lagu sheegay bayaanka, Erdoğan iyo Maxamed Bin Salmaan ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu tilmaamay gooni-u goosad, iyagoo ku boorriyay in la dhowro midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen in la abuuro nidaamyo is-garab socda oo wiiqaya xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha qaranka.

Dhanka kale, bayaanka ayaa xusay in labada hoggaamiye ay cambaareeyeen tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo khilaafsan sharciga caalamiga ah, kuwaas oo la xiriira arrimo gooni-u-goosad ah oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Mas’uuliyiinta Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sheegay in mowqifkoodu uu salka ku hayo ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Kulankan Riyadh ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah ee ku aaddan midnimada Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay in midnimada dhuleed ee dalka aan laga tanaasuli karin.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.