Wararka24: 4-02-2026 Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Caynaanshe Yuusuf Xuseen, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Federaalka, isagoo sabab uga dhigay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Caynaanshe oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda Puntland ayaa sheegay in go’aankiisu uu salka ku hayo xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland.
Wuxuu tilmaamay inuu la dareen yahay madaxda iyo shacabka Puntland, islamarkaana uusan ku qanacsanayn sida hadda arrimaha siyaasadda loo wado.
“Kursiga aan ku fadhiyo waxa aan ku metalaa shacabka iyo Puntland, sidaas awgeed waxa ay raalli ka yihiin ayaan raalli ka ahay. Waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilka Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada,” ayuu yiri Caynaanshe Yuusuf Xuseen.
Is-casilaaddan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan kaddib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu xayiray xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ku socday Garoowe.
Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay xarigga Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, kaas oo lagu xiray Muqdisho.
Puntland ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah, halka dowladda Federaalka ay sheegtay in loo xiray arrimo la xiriira amniga.


















