• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidanka Booliska oo Muqdisho ku xiray Axmed Cabdi Maxamuud ahna la-taliyaha Saciid Deni

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidanka Booliska oo Muqdisho ku xiray Axmed Cabdi Maxamuud ahna la-taliyaha Saciid Deni
Share

Wararka24: 4-02-2026 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal lid ku ah amniga dalka.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in Hurre la qabtay xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana hadda uu ku socdo baaritaan la xiriira eedeymaha loo jeediyay. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota baaris,” ayaa lagu yiri warka booliska oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabadaas, isagoo ku tilmaamay xarig sharci-darro ah.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaanno iyo senatarro ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay xoog ku kaxeysteen Hurre, isla markaana dhacdadaas ay ka dhalatay gacan-qaad iyo buuq ka dhacay hotelka. Maamulka Puntland ayaa ka digay in dhacdadan ay sii kordhin karto xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda federaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabadan, iyadoo ku baaqday in arrinta si degdeg ah loo xalliyo si looga fogaado xaalad siyaasadeed oo sii xumaata.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.