• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya
Share

Wararka24: 13-02-2026 Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ku xiray Cabdinaasir Cige (Naasir Cige) garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira khiyaano maaliyadeed.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Naasir Cige, oo horey u soo noqday la-taliyihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, isla markaana sheegta inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, lagu qabtay Terminal 1A xilli uu kasoo degayay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka timid Australia, kana soo martay Johannesburg.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in 37-jirkan oo heysta dhalashada Soomaaliya iyo Australia lagu soo qabtay digniin hore oo nidaamka socdaalka lagu geliyay 30-kii Janaayo 2026, taasoo la xiriirtay eedeyn ku saabsan “helid lacag qaab khiyaano ah.”

Mas’uulkan ayaa markii hore lagu hayay saldhigga booliska garoonka JKIA, ka hor inta aan loo gudbin Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Dhankiisa, Naasir Cige ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in xariggiisu yahay mid siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka dambeyso tallaabada lagu xiray. Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu hayo laanta la-dagaallanka argagixisada Kenya, hase yeeshee booliska Kenya ayaa si cad u beeniyay arrintaas, iyagoo sheegay in kiisku yahay mid la xiriira dembi maaliyadeed oo horey loogu daba socday.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay in baaritaanka kiiskan uu weli socdo, isla markaana eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad marka baaritaannada hordhaca ah la dhammeeyo


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.