Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya

13-02-2026 Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ku xiray Cabdinaasir Cige (Naasir Cige) garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira khiyaano maaliyadeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 13, 2026, 9:57 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta ee Kenya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 13-02-2026 Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ku xiray Cabdinaasir Cige (Naasir Cige) garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira khiyaano maaliyadeed.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Naasir Cige, oo horey u soo noqday la-taliyihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, isla markaana sheegta inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, lagu qabtay Terminal 1A xilli uu kasoo degayay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka timid Australia, kana soo martay Johannesburg.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in 37-jirkan oo heysta dhalashada Soomaaliya iyo Australia lagu soo qabtay digniin hore oo nidaamka socdaalka lagu geliyay 30-kii Janaayo 2026, taasoo la xiriirtay eedeyn ku saabsan “helid lacag qaab khiyaano ah.”

Mas’uulkan ayaa markii hore lagu hayay saldhigga booliska garoonka JKIA, ka hor inta aan loo gudbin Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Dhankiisa, Naasir Cige ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in xariggiisu yahay mid siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka dambeyso tallaabada lagu xiray. Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu hayo laanta la-dagaallanka argagixisada Kenya, hase yeeshee booliska Kenya ayaa si cad u beeniyay arrintaas, iyagoo sheegay in kiisku yahay mid la xiriira dembi maaliyadeed oo horey loogu daba socday.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay in baaritaanka kiiskan uu weli socdo, isla markaana eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad marka baaritaannada hordhaca ah la dhammeeyo


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.