• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo u baxaya safar degdeg ah ee dalka Itoobiya.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo u baxaya safar degdeg ah ee dalka Itoobiya.
Share

Wararka24: 12-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda u baxo safar dibadeed oo degdeg ah, isagoo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu ka qaybgalayo meertada 39-aad ee Shir-madaxeedka Madaxda iyo Dowladaha Midowga Afrika, oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu madasha ka caddeeyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan faragelinta lagu hayo madax-bannaanida dalka, gaar ahaan aqoonsiga sharci-darrada ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland. Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, madaxweynuhu wuxuu kulammo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaya shirka, si looga wada hadlo danaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, oo ay ka soo qaybgalayaan hoggaamiyeyaasha 55-ka dal ee qaaradda, ayaa diiradda saaraya caqabadaha waaweyn ee Afrika iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Safarkan ayaa imanaya kaddib markii Soomaaliya shalay loo doortay xubin ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taas oo loo arko guul diblomaasiyadeed oo muujinaysa dib-u-soo noqoshada doorka Soomaaliya ee saaxadda qaaradda iyo tan caalamka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.