Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo u baxaya safar degdeg ah ee dalka Itoobiya.

12-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda u baxo safar dibadeed oo degdeg ah, isagoo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 12, 2026, 3:14 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo u baxaya safar degdeg ah ee dalka Itoobiya.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 12-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda u baxo safar dibadeed oo degdeg ah, isagoo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu ka qaybgalayo meertada 39-aad ee Shir-madaxeedka Madaxda iyo Dowladaha Midowga Afrika, oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu madasha ka caddeeyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan faragelinta lagu hayo madax-bannaanida dalka, gaar ahaan aqoonsiga sharci-darrada ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland. Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, madaxweynuhu wuxuu kulammo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda ka qaybgalaya shirka, si looga wada hadlo danaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, oo ay ka soo qaybgalayaan hoggaamiyeyaasha 55-ka dal ee qaaradda, ayaa diiradda saaraya caqabadaha waaweyn ee Afrika iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Safarkan ayaa imanaya kaddib markii Soomaaliya shalay loo doortay xubin ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taas oo loo arko guul diblomaasiyadeed oo muujinaysa dib-u-soo noqoshada doorka Soomaaliya ee saaxadda qaaradda iyo tan caalamka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.