• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Kheyre iyo Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray digniin culus
Share

Wararka24: 12-02-2026 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay Xukuumadda Federaalka ku wado arrimaha dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in muddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka dowladda aan lagu xallin karin arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Kheyre ayaa sheegay in saddexda bilood iyo dhowrka maalmood ee ka haray xil-heynta xukuumadda aan lagu dhisi karin Dastuur dhammeystiran, aan lagu mideyn karin ummad kala aragti duwan, isla markaana aan gargaar waara lagu gaarsiin karin malaayiinta ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu ku adkeeyay in waqtigan kooban lagu gaari karo oo keliya is-afgarad ku saabsan hannaanka doorasho ee dalka, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan hor leh.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna muujiyay walaac la xiriira xiisadda siyaasadeed ee dalka, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu xaaladda dejiyo, dhexda soo dhigo, kana shaqeeyo isu-soo-dhowaansho ku dhisan walaaltinimo iyo ehelnimo Soomaaliyeed.

Rooble ayaa ku taliyay in si degdeg ah loo joojiyo wax-ka-beddelka dastuurka ee aan lagu heshiin, si looga hortago sii hurinta khilaafaadka jira.

Hadallada labada Ra’iisul Wasaare hore ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo jihada hoggaanka, taas oo abuurtay walaac ballaaran oo ka dhex jira siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.